Dihaam Warsame

Waa maxay hibaayad? hibaayadu waa shey loo qabanayo jacayl sido kale la qabanayo xiliyada firaaqada. Hiwaayadaha ayaa door muhiim ah ka ciyaara horumarka shakhsi ahaaneed, fayoobida maskaxda, iyo dhisidda xiriirka. Haddii aad ku raaxaysato dhaqdhaqaaqyada raadinta hal-abuurka, barashada xirfado cusub, ama ka qayb-qaadashada dhaqdhaqaaqyada bulsheed, helitaanka hiwaayad kugu qancisa waxay si weyn u kobcin kartaa noloshaada. Markaad sahamiso noocyada kala duwan ee hiwaayadaha iyo raacitaanka talooyinka lagu heli karo hiwaayaddaada, waxaad ogaan kartaa rabitaan cusub, oo kor u qaado tayada noloshaada guud. Waxaan kula wadaag doona dhowr hibaayad;

1. Akhris: wax-akhrisku waa hawl lagu raaxaysto oo ka caawin karta gabdhaha iney noloshooda ku horumariyaan sido kale ku horumariyaan xirfadahooda wax-akhris iyo inay ka baxsadaan culayska nolol maalmeedka. shey wax akhrin ka qiimo badan oon qof kula talin lahaa hada ma jiro

2. Photography: Waxaad gali kartaa sawir qaadis adigoo hibaayad ka dhiganayo. talefankaaga ayaad ku bilaabi kartaa qasab maaha in aad heysato qalabka oo dhameystiran.

3. Cooking: dhab ahaantii waa mid ka mid ah hibaayadaha ugu wanaagsan ee aad baran karto, markasta in aad kariso cuntooyin kala duwan oo ka kala yimid dhaqamo kala duwan. tusaale mexican food, arab food,indian food, american fast food iyo kuwo kaloo badan

4. Swimming: dabaasha waa mid kamid ah hibaayadaha ugu wacan midkamid ah ka soomali ahaan waxaan lenahay badd dheer, se badankeena ma naqaano how to swimm.

5. Candle Making: Shumaca Samaynta. Hiwaayaddan hal-abuurka leh waxay kuu oggolaanaysaa inaad tijaabiso midabyo iyo caraf kala duwan. Waa hawl madadaalo iyo nasasho leh oo laga yaabo inay noqoto ganacsigaaga oo ku cusub gayiga soomalida.

6. Knitting: Waxaa loo isticmaalaa in lagu abuuro noocyo badan oo dhar ah. Tollida waxaa lagu samayn karaa gacan ama mishiin.

7. Pottery: waa habka alaabta samaynta weelasha iyo walxaha kale ee dhoobada laga sameeyo. kuwaas leh nidaamyo loo maro si loo soo saaro weelal ka sameysan dhoobo

8. Journaling: waa qorista fikradahaaga iyo dareenkaaga inta aad ku gudajirto nolol maalmeedkaaga. Qorista waxay kaa caawin kartaa inaad fahamto oo aad ka shaqeyso dareenadaada, gaar ahaan marka aad dareemayso walwal ama murugo. Waxa kale oo ay kaa caawin kartaa in aad naftaada barato, oo aad hesho aragtiyo macno leh.

9. Sports: ciyaaruhu waxa ay quseyaan nooc kasta oo dhaqdhaqaaq jireed ama ciyaar ah, inta badan waxaa la qabtaa tartamo habaysan, kaas oo ujeedadiisu tahay in la isticmaalo, la ilaaliyo, ama la hagaajiyo awooda jirka iyo xirfadaha. sports wuu tirabadanyahay qaarkoodna deegaano gaar ah ayuunbaa laga hirgalin karaa tusaale kuwa barafka lagu dheelo. wuu nuucyo badanyahay. Tusaale Football, Gymnastic, Basketball Iwm.

10. Online classes: xaadirka xiisado ku baxaan online-ka waxey kugu soo kordhineysaa kobac shaqsiyadeed, meelo badan oo si free iyo kuwo lacag ahba aad heli karto ayaa jiraan.

Fiiro Gaar; waxa aan waxyaabaha qaar english uga dhigay ayaa ah waxa aad rabtaa in aad bartaan in aan ku heshaan englishka qaarkood soomali ahaan inaad ku heshaan wey adagtahay

list hobbies for women

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *