It End with Us by Colleen Hoover
Qoraaga buugga It End with Us waa Colleen Hoover. Waa qoraa Maraykan ah oo caan ku ah sheekooyinka jacaylka iyo noocyada buugta khayaaliga ah. It End with Us, oo la daabacay 2016, waa mid ka mid ah buugaagteeda ugu caansan. Colleen Hoover waxa ay qortay dhawr sheeko oo kale oo ka mid noqdeen kuwa ugu iibsiga badan. oo ay ku jiraan Ugly Love, Verity, and Reminders of Him.
Waa mid ka mid ah buugaagta jacaylka ee aan ugu jeclahay wakhti kasta. It End with Us waa buug ka hadlaayo gabadh lagu magacaabo Lily oo hadda uso guurtey magalada ay dagantahay. oo diyaar u ah inay nolosheeda bilawdo jaamacada ka dib. intaas kadib Lily waxay la kulantay nin la odhan jiray Ryle wayna jeclaatey isaga. Sida ay xirirkoodii u socdey una horumarinaayeen dareenkooda jacayl iyada iyo Ryle. Atlas, oo ahaa jacaylkeedii ugu horreeyay, ayaa dib u soo baxaya oo caqabad ku ah xidhiidhka ka dhexeeya Lily iyo Ryle.
sheekada waxey ku bilaaneysaa, Lily Bloom waxay dul fadhiisatay saqafka sare ee dhismo ku yaal Boston, iyadoo eegaysa magaalada iyo xiddigaha, iyadoo ka fikiraysa geerida. Waxay dhowaan ka timid aaska aabbaheed. aad ayey aabehed ugu xanaaqsan tahay, aabbaheed wuxuu ahaa mid ku xadgudbo oo garaaco hooyaded intaas iyadoo ka fikireyso ayaa nin soo koray dabaqii ay saarneyd, aadbuu u xanaaqsanaa waxa uuna bilabey in uu darbeeyo kuraastii meesha yaaley.
Ninka wuxuu ahaa Reyle Kincaid, waa dhakhtarka neerfaha, labadooduna waxay bilaabeen inay sheekeystaan oo ay midba midka kale u sheego xaqiiqoyin. Ryle ayaa uga wramay in uu dhintey ilmo yar oo uu dhaqtar u ahaa sababtoo ah cunuga walaalkiis ayaa si lama filaan ah u toogtay. Lily waxay u sheegtay Ryle sida uu aabehed ula dhaqmi jiray hooyadeed, iyo sida aysan aaskiisa uga hadlid waxeyna weydey amaan ay ka sheegto.
Lily waxay kaloo u sheegtay Ryle inay ay jeclaatey wiil lagu magacaabo Atlas kaas oo ahaa darbi jiif ay iyada u naxarisan jirtey waxeyna uga warantey sidey u jeclaatey iyo xirirka dhex maray labadooda. habenkaas ayaa iskugu dambeysey labadooda. lily nolosheyda aheyd iska wadatay dhaxalkeedii ayey ku furatay dukaan ubaxyada lagu iibiyo. waxaa u timid gabar ka dooneysey in ay shaqaaleysiiso iyada wey ka aqbashay codsigedii. intaas kadib dib ayey u kulmen ryle sababto ah waxey walaalo yihiin Allysa oo ah gabadhii cawineysid.
kulankaas kadib labadooda xirir iyo jacayl ayey bilaaben weyna is guursadeen, lily uur ayey u qadey oo gabar ayey u dhashay waxa uu noqdey ryle sida uu ahaa ayada aabehed oo wuu dilay dhowr jeer, maalin ay maqaayad isku raacen isaga walaashiis iyo dumaashigiisa ayey maqaayadii ku aragtey atlas jacaylkeedii ugu horeyey waxa uu ahaa kabalyeeri wey wada shekeysteen, atlas wuxuu ku yiri iskaga tag uma baahnid in aad noqotid. waa uu ogadey in uu yahay jacaylkeedi ugu horeyey ee atlas wiilka ay wada hadlayaan aad ayuuna u maseeray oo dhowr mar oo kale ayuu garaacey lily waxey go`aansatay in ay kala tagaan inkastoo uu ryle ka xumaadey wuu u ogolaadey.
Maalin maalmaha ka mid ah, Lily waxay aadey Atlas. Atlas waxa uu sheegay in nolosheeda uu ku filan yahay Lily hadda, sidaas darteed waxa uu weydiyey haddii ay diyaar u tahay inay mar kale is jeclaadaan. Waxay u sheegtay inay diyaar u tahay, hab ayey isa siiyeen oo midba midka kale ayuu isku duubay. waxeyna tiri “it ends with us”. halkaan ka aqriso buugaagteena kale ee aan gorfetyney https://dihaam.com/wp-admin/post.php?post=497&action=edit
-
Daqliga Dowladaha Horumaray
Sources of Income for Developed Countries Waddamada horumaray waxay dakhli ka soo galaan ilo kala duwan oo u oggolaanaya inay maareeyaan oo ay ilaashadaan heerka sare ee nolosha, kaabayaal xooggan, iyo nidaamyo maamul oo tayo leh. Waa kuwan ilaha aasaasiga ah ee dakhliga ee waddamada horumaray: 1. Canshuuraha (Taxes)Canshuuraha Dakhliga: Mid ka mid ah ilaha…
-
Waa sidee nolosha wadamada horumaray?
Wadamada horumaray waanu maqalnaa un ee inta badan lagu tilmaamo kuwa horumaray, waxa lagu gartaa nolol aad u saraysa, dhaqaale xoog leh iyo kaabayaal dhaqaale oo dhisan. Halkan waxaan kaga hadli doonaa dulmar guud oo ku saabsan sida ay u egyihiin iyo sida ay u maamulaan nidaamyadooda: 1. Heerka Sare ee NoloshaWadamada horumaray sida caadiga…
-
Soo koobida buuga (lontano da mogadiscio)
Waxaan akhriyay buug u diyaarsan qaab xusuus qor ah balse ka hadlaya mawaadiic aad u kala duwan waxaa uuna buuga u qoranyahay qaab jacbur ah oo mawaadiicdu waa kuwa isku dhafan. Buugani waa xusuus qor ku saabsan nolosha Shiiriin oo soomaaliya ku dhalatay,ku barbaartay kuna nooleed horaantii kontameeyada ilaa xilligii dalku afgambi ay ku qabsadeen…
-
Soo koobida buuga (The productive muslim)
waa kuma Mohamed Faris Mohammed Faris, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Productive, waa aasaasihii ProductiveMuslim.com. Waxaa loo aqoonsaday inuu ka mid yahay 500 ee Muslimiinta ugu saamaynta badan caalamka, wuxuuna khibrad dheer u leeyahay tababarka wax soo saarka iyo ka hadalka fagaaraha (Islamic Self Help). Guud ahaan, “The productive muslim” kaliya maaha buug laakiin…
-
hibaayadaha dumarka (hobbies for women)
Waa maxay hibaayad? hibaayadu waa shey loo qabanayo jacayl sido kale la qabanayo xiliyada firaaqada. Hiwaayadaha ayaa door muhiim ah ka ciyaara horumarka shakhsi ahaaneed, fayoobida maskaxda, iyo dhisidda xiriirka. Haddii aad ku raaxaysato dhaqdhaqaaqyada raadinta hal-abuurka, barashada xirfado cusub, ama ka qayb-qaadashada dhaqdhaqaaqyada bulsheed, helitaanka hiwaayad kugu qancisa waxay si weyn u kobcin kartaa…
-
Waa sidee Nolosha Guurka kadib?
isbeddel ayaa kugu imaan doono: guurku wuxuu keenaa isbeddelka ugu weyn ee nolosha qofka iyo si kasta oo uu u diyaargaroobo, had iyo jeer waxay kugu noqon doontaa lama filaan. Markaad bilowdo inaad la noolaato xaaskaaga/ninkaaga, isbedelku waa lama huraan. Qaarkood waxay ku siin doonaan farxad, halka qaar kalena laga yaabo inay caqabad ku noqdaan…