Dihaam Warsame

isbeddel ayaa kugu imaan doono: guurku wuxuu keenaa isbeddelka ugu weyn ee nolosha qofka iyo si kasta oo uu u diyaargaroobo, had iyo jeer waxay kugu noqon doontaa lama filaan. Markaad bilowdo inaad la noolaato xaaskaaga/ninkaaga, isbedelku waa lama huraan. Qaarkood waxay ku siin doonaan farxad, halka qaar kalena laga yaabo inay caqabad ku noqdaan waxyaabihii quruxda badnaa ee aad filaneysey guurka kahor. Sida aad ula qabsanayso caqabadaha guurku kugu soo tuurayo oo aad ula jaanqaadi karto isbeddelada, in aad ogtahay ayaa muhiim ah in nolosha aysan sidii hore ahaan doonin isbadalo in ay dhacayaan waa inaad ogaataa.

Dadku Waxay Waydiin Doonaan Su’aalo Badan, in aad ogtahay ayaa muhiim ah in aadan ka baxsaneyn su`aalaha ay qabaan asxaabtada ama familka, sidee ayey aheyd todobadda? waa sidee nolosha guurka? maxaad dareentay, uur miyey ledahay? magaca aad u bixin doontid ilmihiina iwm. Weligaa ha dareemin inaad la wadaagto wax ka badan inta aad ku qanacsan tahay in aad ka jawaabto.

La tacaalidda Caqabadaha: Guur kastaa waxa uu la kulmaa qaybtiisa caqabado ugaar ah iyaga, oo isugu jira dib-u-dhac dhaqaale iyo dhibaatooyin caafimaad ama isku dhacyo dhexdooda ah. Sida lammaanuhu u xalliyaan caqabadahan waxay si weyn u saameyn kartaa xoogga xiriirkooda.

Masuuliyad. markaan waxaad noqoteen qoys masuuliyada tii aad kaliga aheyd wey ka badantahay markaan qof kale ayaa noloshaada ku jiro goaanada kaligaa ma qaadan kartid waa in aad ogtahay in mas`uliyad badan aad la kulmi doontid

Maaliyad. qodobkaani aadbu muran iyo isqabsi u dhaliyaa waxaana fiican lamaanaha in ay ka wada hadlaan oo ay wada xaliyaan, qodobkaani reero badan ayaa ku kala tagay ama sababta kala tagooda ayu ka dambeyey.

kalinimo, waxaa laga yabaa arimo badan in aad dareentid in aad kali ku tahay xiliyada qaar waxa dhacda in aad rabtid galmo se lamaanahaga aynan ka heyn in uu sameyo, xaaladahan oo kale ayaa laga yaba in aad kali ahaansho ku dareentid waana wax dabiici ah lamana rabo in ay sababaan burburka qoyskaaga

Aragtiyaha dadka kale, yeysan saameyn ku yeelan aragtiyaha dadka kale adiga reerkaaga, yeysan saameyn waxa social media ka socdo. saaxibadada yey noqon kuwa burburka reerkaga qeyb ka noqon doono. kana digtonow aragtiyaha burburka horseeda ee aan lagugu oran si toos ah adiga.

ugu dambeyntii noockasta oo nolol ah oo aad bilowdo waxey ledahay caqabado iyo faaidoyinka marka hore loo galay. guurkuna waa qodob weyn oo loo baahanyahay in aan ilaalino jiritaankiisa oo uu waqti badan nagaado.

Halkaan ku dhufo https://dihaam.com/soo-koobida-buuga-men-are-from-mars-women-are-from-venus/ buug ku caawin doona in aad ogaatid dhaqamada labada lamaane iyo midwaliba dabcigiisa

life after marriage
  • Daqliga Dowladaha Horumaray

    Sources of Income for Developed Countries Waddamada horumaray waxay dakhli ka soo galaan ilo kala duwan oo u oggolaanaya inay maareeyaan oo ay ilaashadaan heerka sare ee nolosha, kaabayaal xooggan, iyo nidaamyo maamul oo tayo leh. Waa kuwan ilaha aasaasiga ah ee dakhliga ee waddamada horumaray: 1. Canshuuraha (Taxes)Canshuuraha Dakhliga: Mid ka mid ah ilaha…

  • Waa sidee nolosha wadamada horumaray?

    Wadamada horumaray waanu maqalnaa un ee inta badan lagu tilmaamo kuwa horumaray, waxa lagu gartaa nolol aad u saraysa, dhaqaale xoog leh iyo kaabayaal dhaqaale oo dhisan. Halkan waxaan kaga hadli doonaa dulmar guud oo ku saabsan sida ay u egyihiin iyo sida ay u maamulaan nidaamyadooda: 1. Heerka Sare ee NoloshaWadamada horumaray sida caadiga…

  • Soo koobida buuga (lontano da mogadiscio)

    Waxaan akhriyay buug u diyaarsan qaab xusuus qor ah balse ka hadlaya mawaadiic aad u kala duwan waxaa uuna buuga u qoranyahay qaab jacbur ah oo mawaadiicdu waa kuwa isku dhafan. Buugani waa xusuus qor ku saabsan nolosha Shiiriin oo soomaaliya ku dhalatay,ku barbaartay kuna nooleed horaantii kontameeyada ilaa xilligii dalku afgambi ay ku qabsadeen…

  • Soo koobida buuga (The productive muslim)

    waa kuma Mohamed Faris Mohammed Faris, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Productive, waa aasaasihii ProductiveMuslim.com. Waxaa loo aqoonsaday inuu ka mid yahay 500 ee Muslimiinta ugu saamaynta badan caalamka, wuxuuna khibrad dheer u leeyahay tababarka wax soo saarka iyo ka hadalka fagaaraha (Islamic Self Help). Guud ahaan, “The productive muslim” kaliya maaha buug laakiin…

  • hibaayadaha dumarka (hobbies for women)

    Waa maxay hibaayad? hibaayadu waa shey loo qabanayo jacayl sido kale la qabanayo xiliyada firaaqada. Hiwaayadaha ayaa door muhiim ah ka ciyaara horumarka shakhsi ahaaneed, fayoobida maskaxda, iyo dhisidda xiriirka. Haddii aad ku raaxaysato dhaqdhaqaaqyada raadinta hal-abuurka, barashada xirfado cusub, ama ka qayb-qaadashada dhaqdhaqaaqyada bulsheed, helitaanka hiwaayad kugu qancisa waxay si weyn u kobcin kartaa…

  • Waa sidee Nolosha Guurka kadib?

    isbeddel ayaa kugu imaan doono: guurku wuxuu keenaa isbeddelka ugu weyn ee nolosha qofka iyo si kasta oo uu u diyaargaroobo, had iyo jeer waxay kugu noqon doontaa lama filaan. Markaad bilowdo inaad la noolaato xaaskaaga/ninkaaga, isbedelku waa lama huraan. Qaarkood waxay ku siin doonaan farxad, halka qaar kalena laga yaabo inay caqabad ku noqdaan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *